Barack Obama oo aan ka qeyb gali doonin duugta allaha u naxariistee Feeryahan Mohammed Ali…(Goormaa la duugayaa, yaase ka soo qeyb galaya?)

mohamed1

(America) 08 Juunyo 2016. Madaxwaynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa seegi doona maalinta duugta feeryahanka islaamka ah ee Mohamed Ali maadaama maalinta Jimcaha ee soo socota ee la duugayo ay sidoo kale ku aadan tahay qalin jabinta dugsiga sare ee gabadha Omaba.

Qaar ka mid ah hogaamiyayaasha adduunka ayaa qeyb ka ah kumanaan soo xaadiri doonta Jimcaha duugta allaha u naxariistee Mohamed Ali oo ka dhici doonta Louisville ee Kentucky halkaa uu ku dhashay marxuumka sanadkii 1942.

Aqalka cad ee mareykanka ayaa sheegay in Mr Ombaa iyo xaaskiisa Michelle ay ka qeyb gali doonaan qalin jabinta gabadhooda Malia ee ka dhaceysa Washington, DC.

Mohamed Ali ayaa jimcihii ku geeriyooda isbitaalka ku yaala Phoenix, Arizona isagoo 74-jir ah.

mohamed2

Obama ayaa warqad furan ugu soo diri doona reerka Mohamed Ali la taliyaha aqalka cad Valerie Jarrett kaa oo garanaya Mohamed Ali allaha u naxariistee.

Dadka caanka ah ee ka soo qeyb galaya duugta Mohamed Ali ayaa waxaa ka mid ah madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Boqor Abdallah ee dalka Jordan.

Madaxwaynihii hore ee cariga Mareykanka Bill Clinton iyo aktarka Billy Crystal ayaa sidoo kale ka mid ah iyo waliba xiddigii hore ee miiskaanka culus ee Birtish-ka Lennox Lewis iyo aktarka caanka ah ee Will Smith.

mohaa

Beri oo khamiis ah ayaa adeeg duug oo dhaqanka u ah dadka Muslimka ah ayaa lagu qaban doonaa hoolka xoriyada oo qaada 18,000 oo fadhi waana meeshii allaha u naxariistee Mohammed Ali uu ku gaaray guushiisii ugu horreysay ee xirfadlenimo 1960-kii.

Dadka ayaa saf ku jiray bartanka habeenkii salaasada si ay u helaan tikidhada ugu horreeya.

Maalinka Jimcaha marka ay saacada gudaha Mareykanka tilmaameyso 09:00 (13:00 GMT), ayaa naxashka Mohamed Ali socod lagu marsiin doonaa wadooyinka Louisville iyadoo waliba la marsiin doono meelaha taariikh ahaan muhiimka u ah allaha u naxariistee Marxuumka.

Intaa kaddib duugta Ali ayaa ka dhici doonta garoonka ciyaaraha the KFC Yum 14:00 iyadoo uu adeega u furnaan doono dadyowga, feeryahanka ayaa lagu duugi doonaa adeeg gaar ah oo ka dhacaya Cave Hill Cemetery, si toos ayaana looga soo deyn doonaa duugtiisa Internet-ka.

   mohamed

W/D: Cabdisamed Maxamed Xasan (Black Yare).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close