Arsenal oo la ogaaday inaysan doonayn la soo wareegida Riyad Mahrez

Jamie Vardy celebrates with Riyad Mahrez after scoring the first goal for Leicester City during their English Premier League soccer match against Newcastle United at St James' Park in Newcastle

(London) 08 Juunyo 2016 Kooxda Arsenal ayaa lala xiriiriyay kubadd sameeyaha kooxda Leicester City iyo xuka qaranka Al-Geria ee Riyad Mahrez.

Mirror ayaa shaaca ka qaaday in Arsenal aysan doonayn la soo wareegida 25 jirka reer Algeria ee Riyad Mahrez suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Arsenal ayaa xoogeeda isugu gayn doonta soo xero galinta Jamie Vardy laakiin qorshaha macalin Wenger kuma jiro saxiixa Riyad Mahrez sida lagu sheegay warbixinta.

Riyad Mahrez ayaa ku guulaystay laacibkii ugu fiicnaa horyaalka ingiriiska xiliciyaareedkii dhamaaday kadib markii uu ka gacansiiyay kooxdiisa Leicester City hanashada horyaalkoodii ugu horeeyay.

Tababare Arsene Wenger ayaa doonaya dhamaystirka saxiixa Mkhitaryan laakiin liiska ciyaartoyda uu ka doonayo suuqa kama mid ahan Mahrez.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close