AQRISO: Wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga

jariirad

(Europe) 08 Juunyo 2016. Aqriste waxaan halkan kugu heynaa oo aan kugu soo ururinay wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Halka hoose ka aqri:

Arsenal ayaa dalab 25-milyan oo bound ka gudbisay weeraryahanka Leciester City Riyad Mahrez, 25-jir, kaddib dhowr kulan ay la yeelatay wakiiladiisa. (Tancredi Palmeri, via Daily Express).

Xiddiga qadka dhexe ee naadiga Newcastle United oo hoos ugu dhacday heerka labaad ee Premier League Moussa Sissoko, 26-jir ayaa doonaya inuu ka tago kooxda wuxuuna sheegay in Arsenal ay tahay naadiga uu had iyo jeer wadnaha ku hayo. (Foot Mercato via Evening Standard).

PSG ayaa xilkeeda tababaranimo u magacaabi doonta tababaraha Sevilla Unai Emery iyadoo 44-jirkan lagu wado inuu xilka ka badelo Laurent Blanc. (Marca).

Daafaca PSG Marquinhos, 22-jir kaa oo lala xiriirinayay Chelsea iyo Man United ayaa sheegay inuu wada hadalo ku aadan mustaqbalkiisa kula jiro horyaaladda Faransiiska. (Daily Express).

Xiddigaha Foxes ee Wes Morgan, Kasper Schmeichel iyo Robert Huth ayaa u sheegay saaxiibkooda Jamie Vardy 29-jir inuu iska diido kooxda Arsenal. (Daily Telegraph).

Weerararyahankii hore ee Leicester City iyo Arsenal Alan Smith ayaa sheegay in Vardy ay tahay inuu raaco hogaankiisa isla markaana ku biro Gunners. (Talksport).

 jariiraddo

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa diyaarinaya dalab 30-milyan oo bound uu ka gudbinayo 24-jirka weerarka kaga ciyaara Southampton Sadio Mane. (Sun).

Joogitaankii Klopp ee kulankii Argentina iyo Chile ee Copa America isniintii qeyb kama ahayn isku daygiisa inuu la soo saxiixdo 28-jirka weerarka kaga ciyaara Napoli ee Gonzalo Higuain. (Liverpool Echo).

Gunners ma xiiseynayso inay la soo saxiixato xiddiga reer Algeria ee Riyad Mahrez . (Daily Mirror).

Leicester City ayaa sameysay dalab 8-milyan oo bound ay ka gudbisay xiddiga qadka dhexe ee naadiga Nice Nampalys Mendy, 23-jir, iyadoo isku diyaarineysa suuro galnimada inuu kooxda ka tago 25-jirka N’Golo Kante. (Daily Mail).

Tottenham ayaa ku rajo wayn inay dhameystirto heshiis 12-milyan oo bound ay kula soo saxiixaneyso weeraryahanka AZ Alkmaar ee Vincent Janssen, gooldhaliyihii ugu sarreeyay ee Dutch Eredivisie kal ciyaareedkii la soo dhaafay. (Daily Mirror).

Everton ayaa u sheegi doonta daafaceeda dhexe ee John Stones inaysan iibin diinin, inkastoo 22-jirka uu diyaar u yahay inuu ku riixo inuu dhaqaaqo. (Daily Mirror).

Xiddiga qadka dhexe ee AS Roma Radja Nainggolan, 28-jir ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kooxdiisa laakiin dalab kaga yimaada Chelsea uu yahay heshiis wayn isla markaana ay tahay inuu ka fikiro. (Gazzetta dello Sport).

Waxaa kuu soo ururiyay: Cabdisamed Maxamed Xasan (Black Yare).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close