Antoine Griezmann oo ogolaaday inuu heshiis cusub qalinka ugu duugo Atletico Madrid

(Madrid) 08 Juunyo 2016 Weerar yahanka kooxda Atletico Madrid iyo xulka qaranka France Antoine Griezmann ayaa ogoladay inuu heshiis cusub u sxiixo kooxdiisa.

L’Equipe ayaa daaha ka qaaday goor dhaw in Antoine Griezmann uu ogolaaday inuu hal xiliciyaareed u kordhiyo kooxdiisa Atletico Madrid.

Wada xaajood socday dhawr maalmood kadib Griezmann ayaa aqbalay inuu qalinka ugu duugo kooxdiisa heshiis ku eg ilaa 2021.

Qandaraaskiisa haatan ayaa ku eg 2020 wuxuuna ku darayaa kaliya hal xiliciyaareed, waxaana xusid mudan inuu diirada u saaran yahay kooxaha ugu tunka wayn yurub.

Atletico Madrid wali ma shaacin heshiiska Antoine Griezmann balse waxaa la filayaa inay daaha ka qaado maalmaha soo socda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close