WAR CUSUB: Kaddib Ilkay Gundogan, Man City oo ku dhawaaneysa saxiixa weeraryahanka dilaaga ah ee Pierre-Emerick Aubameyang

obii

(Italy) 07 Juunyo 2016. Weeraryahanka Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang ee ka mid ah weeraryahannada ugu halista badan leh Yurub waqtigan casriga ah ayaa u muuqday mid ku dhow inuu ku biiro Real Madrid laakiin warar ka imaanaya Talyaaniga ayaa tibaaxaya inuu ku dhow yahay kooxda Man City.

Saxafiga reer Talyaani ee Sky Sport Gianluca Di Marzio ayaa sheeganaya in wada hadalada Aubameyang iyo Man City uu marayo meel hormarsan.

Weeraryananka reer Gabon ayaa 39-gool u dhaliyay kooxda lagu naaneyso Black and Yellows kuwaa oo kaalinta labaad ku dhameystay horyaalka Bundesliga isla markaana soo gaartay semi final ka Europe League iyo waliba Final ka German Cup.

Manchester United, Arsenal, Chelsea iyo kooxda ku guuleysatay Champions League ee Real Madrid ayaa dhammaan lala xiriirinayay 26-jirkan.

epa05284352 Dortmund's Pierre-Emerick Aubameyang celebrating his 5:0 goal during the German Bundesliga soccer match between Borussia Dortmund and VfL Wolfsburg at Signal Iduna Park in Dortmund, Germany, 30 April 2016. (EMBARGO CONDITIONS - ATTENTION: Due to the accreditation guidlines, the DFL only permits the publication and utilisation of up to 15 pictures per match on the internet and in online media during the match.) EPA/BERND THISSEN

Sikastaba, Man City ayaa u muuqata inay tartanka kaga guuleysatay kooxaha la xifaaltamaya iyadoona wada hadalo hormarsan kula jirta kooxda Dortmund.

Goor dhow uun ayay ahayd markii ay Man City kala soo wareegtay Dortmund xiddigooda qadka dhexe ee Ilkay Gundogan kaa oo ay kaga soo iibsatay 21-milyan oo bound.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close