RASMI: Francesco Totti oo heshiiska u kordhiyey kooxdiisa Roma + Sawirro

(Rome) 07 Juunyo 2016 – Francesco Totti ayaa heshiis cusub oo hal sano ah u saxiixay kooxdiisa Roma, kaddib 25 xilli ciyaareed oo ka tirsanaa kooxda reer Talyaani.

Weeraryahankan, kaasoo 40 sano jir noqonaya bisha September ayaa si layaab leh loola xiriirinayey inuu u dhaqaaqo kooxda haysata horyaalka Premier League ee Leicester City bishii Maarso, laakiin waxa uu go’aansaday inuu xirfaddiisa ciyaareed ku soo dhammeeyo kooxda Roma.

“Run ahaantii waan doonayey heshiiskan, waxaan u taaganahay iyadoo riyadaydii ii rumowday,” ayuu Totti u sheegay website-ka rasmiga  ah ee kooxda, isagoo ka hadlayey heshiiskiisa cusub.

“Anigu had iyo jeer waxaan doonayey inaan xirfaddeyda ku soo dhammeeyo hal maaliyad, taasoo ah Roma.”

Totti ayaa ku soo biiray kooxda reer Talyaani ee Roma isagoo 12-sano jir ah, afar sano kaddibna waxa uu kulankiisii ugu horreeyey u saftay kooxda koowaad.

Tan iyo markaas weeraryahankan qibradda leh waxa uu u saftay kooxda Roma 758 kulan, waxaana uu u dhaliyey 304 gool.

SAWIRRO:

CkXKPkBXIAATaBs

CkXSvQVXAAAXgyo

CkXSvRmW0AAEBTj

CkXSvSDXIAAz4tu

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close