Leonardo oo laga yaabo inuu kusoo laabto Inter Milan

(Milano) 07 Juunyo 2016 – Leonardo De Araujo ayaa la hadal hayaa inay dhici karto inuu dib ugusoo laabto kooxda Inter Milan oo shalay gashay gacanta sharikad Chinese ah.

Leo oo Inter macallin usoo noqday muddo 6 bilood ah fasalkii 2010-11 wuxuuna haatan muujiyay inuu diyaar u yahay inuu kusoo laabto ciyaaraha kaddib PSG.

“Haddii ay Inter qaadday tillaabadan waxay u muuqataa inuu yahay mashruuc muhim ah” ayuu yiri Leonardo.

Isla mashruucaasi Inter ayaa u baahan xirfadle Leonardo oo kale oo ku wanaagsan suuqa kala iibsiga iyo xitaa soo ilaalaynta laacibiinta soo baxaysa kahor inta aysan ku dhicin indhaha kooxaha kale, waxayna warbaahinta Talyaanigu qoraysaa inuu noqon karo maareeyaha ciyaareed ee kooxda.

Leo ayaa sidoo kale Berlusconi usoo jeediyey inuu kooxda AC Milan iska iibiyo maaddaama ay adkaatay inuu qoys maalgeliyo koox wayn tan iyo markii ay kubaddu isu bedeshey mid ku shaqeeysa raasumaal lacageed oo fara badan.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close