Halkee mareysaa sheekada Vardy iyo Arsenal???

Verdy

(England) 07 Juunyo 2016. Mar waxay u muuqatay inay soo afjarantay balse iminka sheekada Vardy iyo kooxda Arsenal ayaa sii daba dheeraaneysa.

Weeraryahanka Leicester City Jamie Vardy ayaa lagu wadaa inuu qaato go’aankiisa inuu ku biiro Arsenal ama inuu kooxdiisa la joogo tartanka Euro 2016 kaddib.

Arsenal ayaa ka shaqeysiisay lacagaha 20-ka milyan ee lagu bur-burin karo heshiiska Vardy iyadoona rajenaysay inay soo afjari karto heshiiskiisa ka hor  isniinta intii uusan u duulin dalka Faransiiska halkaa oo ka dhici doono tartanka Euro.

Laakiin tababare Arsene Wenger ayaa la yaabay in Vardy uunsan si dhaqsi leh ugu soo boodin inuu u soo dhaqaaqo dhankiisa kaddib wada hadalo uu la yeeshay.

 Verdy1

Haddaba Arsenal ayay iminka tahay inay go’aansato inay sii sugto Vardy oo laga yaabo ilaa bisha dambe ama inay weeraryahan kale u weecato.

Arsenal ayaa u soo bandhigtay 29-jirkan heshiis usbuuciiba ku kacaya 100,000 oo bound, laakiin Leceister City ayaa sidoo kale iyana heshiis cusub u bandhigtay weeraryahankeeda iyadoona ka baryeysa Vardy inuu la sii joogo.

Tababaraha England Hodgson ayaa u sheegay shaxda xulkiisa inuusan dooneyn ciyaartoy ku lug leh ama ku mashquulsan suuqa kala iibsiga halkii ay ku masquuli lahaayeen tartanka Euro oo jimcaha furmaya wuxuu kaloo doonayaa tababaraha in wakiilada ciyaartoyda inay ka fogaadaan hotel-ka uu xulka ku jiro.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close