Villarreal oo wadada u furtay in Eric Bailly uu ku biiri karo Man United

(Villarreal) 06 Juunyo 2016 Kooxda Villarreal ayaa ogolaatay in daafacooda reer Ivory Coast ee  Eric Bailly uu ku biiri karo kooxda Man United suuqa xaggaagan.

Shalay ayaa labaahiyay in Man United oo uu hogaaminayo tababare Jose Mourinho ay 30 milyan oo Ginni ku doonayaan daafaca 22 jirka ah ee kooxda Villarreal  Eric Bailly.

Madaxwaynaha Villarreal Fernando Roig Nogueroles oo la hadlay Marca ayaa yiri:

“Waxaa jirta koox aad u xiisaynaysa  Eric Bailly, haddii seddexda dhinac ay wada heshiiyaan wax dhib ah ma jiri doono”.

Manchester United transfer news: Villarreal chief executive confirms club ready to sell Eric Bailly to Red Devils

“Haddii laacibku uu doonayo inuu baxo Man United-na ay xiisaynayso isla markaana ay bixiyaan lacagta la doonayo, waxaan wada gaari doonaa heshiis”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close