SAWIRRO: Cristiano Ronaldo oo tababarka la bilaabay xulkiisa Portugal… (Tolow markii ugu horreysay koob ma kula guuleysan doonaa?)

(Lisbon) 06 Juunyo 2016 – Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa tababarka kula biiray xiddigaha xulkiisa Portugal.

Tababarkan ayaa xulka Portugal waxa uu isugu diyaarinayaa tartanka qaramada Yurub ee Euro 2016 oo sida qorshuhu yahay bilaaban doona 10 bishaan.

Ronaldo ayaa koobka horyaallada Yurub ee Champions League kula guuleystay kooxdiisa Real Madrid dhammaadka bishii tagtay ee May.

31-sano jirkaan ayaan hal koob xitaa kula guuleysan xulkiisa Portugal, waxaana uu doonayaa inuu markaan koobkiisii ugu horreeyey la qaado xulka uu hoggaamiyo.

SAWIRRO:

1 7 6 5 4 3 2

13 12 11

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close