Heshiiska Jamie Vardy iyo Arsenal oo bur-buri kara!

varddddy

(London) 06 Juunyo 2016. Heshiiska la wada filayo inuu dhawaan dhameystirmo ee Jamie Vardy iyo kooxda Arsenal ayaa bur-buri kara ilaama la dhameystiro heshiiskaas inta uusan bilaaban tartanka Euro 2016 ee jimcaha ka furmi doona dalka Faransiiska sida ay sheegeyso Daily Express.

Gunners ayaa jimicihii sheegtay inay bixineyso lacagaha 20-ka milyan oo bound ee lagu bur-burin karo heshiiska Vardy laakiin soo dhaqaaqista weeraryahanka reer England ee dhanka Arsenal ayaa bur-buri kara ilaa heshiiska la de-dejiyo mooyee.

Arsenal ayaa dooneysa inay soo afjarto heshiiska dhaliyaha kooxda Leicester City ka hor Euro, iyadoo ka carareysa in lacala laga yaabo inuu qiimihiisa sare u kaco kaddib bandhigyo fiican uu la sameeyo xulkiisa England iyadoo ay sidoo kale u badan tahay inay tartanka ku soo biiraan kooxa kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close