EEG SAWIRRADA: Jamie Vardy miyuu ku biiray Arsenal?????

vardyyd

(London) 06 Juunyo 2016. Taageerayaasha Arsenal ayaa faraxad iyo dabaal deg la galiyay kaddib markii baraha bulshada lagu shaaciyay sawirro Jamie Vardy oo kor u haya maaliyadda Arsenal.

Balse nasiib darro waxaa la sheegay inay been abuur yihiin sawirradaasi la faafiyay.

Sawirrada ayaa ah kuwii sida qorsoodida ahaa loo shaaciyay ee saxiixa cusub ee Arsenal Granit Xhaka ka hor inta aysan Arsenal si rasmi ah u soo bandhigin iyadoo ay arrinkaa sameysay xaaskiisa Leonita Lekaj.

Durba waad ku qanceysaa oo si dhab ayaad u qaadaneysaa marka aad aragto sawirrada Vardy oo sare u haya maaliyada Arsenal laakiin ma ahan oo waa kuwii Xhaka oo la macbileeyay qoortiisana la saaray.

Sikastaba, Vardy ayaa xulkiisa England ula duulay dalka France ka hor Euro 2016 ee Jimcaha furmi doona iyadoona lagu wado inuu goor dhow soo afjarmo heshiiska uu ugu biirayo Gunners.

SAWIRRO:

jemi jemi1 jemi2

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close