XOG: Heshiiska lagula wareegayo Inter Milan oo berri la saxiixayo!

(Nanjing) 05 Juunyo 2016 – Inter Milan ayaa lagu wadaa inay ku dhawaaqdo in ay Suning Commerce Group ka iibsadeen 68.55 boqolkiiba oo ah saamiga aqlabiga ah ee kooxda shir jaraa’id oo lagu qaban doono Nanjing.

Madaxwaynaha Nerazzurri ee Erick Thohir iyo madaxwayne xigeenka Javier Zanetti ayaa iminkaba ku sugan magaaladan Chinese-ka si ay u dhamaystiraan saxiixa lagu kala baxayo, waxaa sidoo kale wehlinaya Michael Bolingbroke, Giovanni Gardini iyo Michael Gandler.

Shirkan jaraa’id ayaa lagu wadaa in berri oo Isniin ah la qabto saacaddu marka ay abaarayso 15.30 xilliga maxalliga ah ee Shiinaha (08.00 UK, 07.00 GMT) goobtuna waa Sofitel Zhongsan Golf Resort.

Habka saamiga loosii qaybsan doono weli si rasmi ah looma faahfaahinin, balse Sky Sport Italia ayaa kalsooni wayn ku qaba inay Suning iibsan doonto 68.55 boqolkiiba.

Thohir ayaa la hari doona 31 boqolkiiba, taasoo ka dhigan in saami yar oo ah 0.45 boqolkiiba ay qaadan doonaan saamileey kale, sidaa darteed Massimo Moratti wuxuu gedi doonaa saamigiisa oo idil.

Naadiga ayaa guud ahaan lagu qiimeeyay €700m, taasoo faa’iido u ah Thohir oo 2013 ku iibsadey 250 milyan oo euro.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close