Wakiilka Ronald Koeman oo xaqiijiyey in kalyantigiisa heshiis la gaaray Everton

IMG_6345
IMG_6345

(Liverpool) 05 Juun 2016. Wakiilka Ronald Koeman ayaa lagu soo waramayaa in uu xaqiijiyey heshiiska dhex maray kalyantigiisa iyo Everton.

Holland-diiska waxa uu wadahadalo kula jiray Everton in muddo ah si uu badal ugu noqodo Roberto Martinez oo xilka laga casilay.

Waxaa jira warar labada dhinac ka soo baxayey oo la xiriira imaanshaha Koeman ee Goodison Park balse kooxda si rasmi ah uguma dhawaaqin.

“Heshiis ayaan hada la gaarnay Everton. Hada waa  mid u taal kooxaha, ayuu yiri wakiil Rob Jansen oo la hadlaya Fox Sports.

“Ma aqaan in walaalkii Erwin uu caawiye ahaan ugu biiri doono. Hada ma aha arin laga hor dhici karo. Hada aan sugno.”

Koeman waxa uu kaalinta lixaad u horseeday Southampton iyaga oo helay 63 dhibcood xilli ciyaareedkii 2015-16 waana laba rikoor oo ay kooxda dhigtay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close