Waa sidee mustaqbalka Schweinsteiger ee Man United kaddib magacaabiddii Jose Mourinho?

basti

(Manchester) 05 Juun 2016. Manchester United waxa ay isu diyaarineysa in ay xagaagan meesha ka saarto Bastian Schweinsteiger.

Schweinsteiger waxa uu xagaagii tagay United ugu soo biiray aduun dhan£6.5million kaddib 13 sano oo uu la joogay Bayern Munich.

The Daily Mirror waxa ay aaminsan tahay in laacibka qandaraaska saddexdda sano ah kula jiro United in la filayo kahor ololaha 2016-17 in la iibiyo.

Gool qura ayuu u dhaliyey 31 jeer oo uu matalay Red Devils tan iyo markii uu ku soo biiray.

Sidoo kale, Ryan Giggs ayaa la qabaa in uu caga wax ka dayi doono.

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close