Samir Handanovic oo ku sii dhawaanaya ku biirida kooxda PSG

(Paris) 05 Juunyo 2016 Wararka ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in goolhayaha kooxda Inter Milan Samir Handanovic uu ku sii dhawaanayo ku biirida PSG xaggaagan.

TuttoMercato ayaa daaha ka qaaday in Samir Handanovic uu xiran doono funaanada kooxda ka dhisan caasimada faransiiska saacadaha nagu soo aadan.

Maamulka kooxda reer talyaani ayaa ku fikiraya inay dadajiyaan saxiixa goolhayaha PSG keydka uga jira ee Salvatore Sirigu kaas oo doonaya inuu isagatago PSG.

Inter Milan ayaa lacago kale ku daraysa Samir Handanovic si ay u hesho Salvatore Sirigu kaas oo booskiisa koowaad ee PSG u waayay goolhayaha reer Jarman ee Kevin Trapp.

Qiimaha Samir Handanovic ee suuqa kala iibsiga ayaa lagu qiyaasaya aduun dhan 15 milyan oo euro kaas oo ah 31 jir.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close