Rooney oo ku nuux nuuxsaday ahmiyada ay leedahay guul ay garaan kulanka ugu horeeya ee Euro 2016

vlcsnap-2016-05-27-20h31m11s77-large_trans++tR1WRZ4lb6BOb1-FBRpn-lFGGjcI28awSNtOPAVs6pc

(London) 05 Juun 2016. Kabtanka England Weyne Rooney ayaa muujiyey ahmiyada ay leedahay in xulkiisa ay guul ku bilaabaan tartanka Euro 2016.

Saddexdda libaax waxa ay ciyaarta ugu horeeysa la leedahay Russia 11 bisha Juun kahor inta aysan la dheelin Wales iyo Slovakia iyaga oo isha ku haya soo af jarida 50 sano oo ay sugayeen bilad qaran.

England saddexddii kulan ee is kululeyska waxa ay ku soo badiyeen min hal gool oo farqi ah, Rooney wuu la socda ahimyada guusha ugu horeeysa.

“Kulanka ugu horeeya waa mid weyn. Waa muhiim in aan guul ku bilowno.” Ayuu yiri.

“Qof walba waxa uu leeyahay ha guul dareysanina kulanka kowaad, laakiin farqiga ay sameyn karto hadii aad guul marka hore gaarto waa wax weyn. Waa kulan noo weyn, waana in aan u diyaar garownaa. Wiilasha waa diyaarsan yihiin mana sugi karaan.”

Rooney oo ah ciyaaryahanka ugu da’da weyn safka England (waa 30 sano jir), waxaa la filayaa in uu safto kulankii 112-aad ciyaarta Russia ee ka dhici doonta Marseille.

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close