Juventus oo AC Milan ka dulqaadaysa Mateo Kovacic

(Torino) 05 Juunyo 2016 – Max Allegri ayaa la sheegayaa inuu Juventus u igmaday inay u keenaan laacibka khadka dhexe ee Mateo Kovacic jeer ay Real Madrid ay Juve ka dooneyso Alvaro Morata.

Wararkan ayaa soo xoogeeysanayay maalmihii yaraa ee ugu dambeeyay, iyadoo ay badan tahay inuu Kovacic dib ugu soo laabto Serie A-da Talyaaniga kaddib markii uu ka tegey Inter.

Waloow ay sidoo kale xiiseeynaysey AC Milan, misna Juve ayaa u muuqata mid uga cad cad maaddaama ay ku dari karto wada xaajoodka Morata.

Real Madrid ayaa xaq u leh inay dib u iibsadaan Morata oo ugu kacaya €30m, balse waxay kaashkaasi hoos ugu dhigi karaan iyagoo Kovacic ugu yabooha Juve.

Sida uu qorayo Tuttosport, laacibkan caalamiga ah ee reer Croatia ayaa Juve ugu iman kara ilaa €20m, balse waxay u badan tahay inuu ku yimaado amaah la iibsan karo sanadka xiga.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close