Jamie Vardy oo maanta dhamaystiraya ku biiridiisa Arsenal (Aqriso faah faahinta heshiiskiisa)

(London) 05 Juunyo 2016 Weerar yahanka xulka qaranka Ingiriiska ee Jamie Vardy ayaa la soo sheegayaa inuu maanta dhamaystiri doono ku biiridiisa Arsenal.

ESPN ayaa shaaca ka qaaday in Jamie Vardy uu maanta tijaabada caafimaadka u mari doono kooxda ka dhisan waqooyiga London ee Arsenal.

Arsenal ayaa miiska u saartay dhigeeda Leicester City aduun dhan 20 milyan oo Ginni oo ah qiimaha lagu burburin karo heshiiskiisa, Kooxda macalin Ranieri ayaana durbaba suuqa u gashay badalkiisa.

Jamie Vardy ayaa qalinka ugu duugaya kooxda Arsenal heshiis 4 sano ah isaga oo mushaar ahaan u qaadan doona isbuucii 120 kun oo Ginni.

29 jirka xulka ingiriiska ayaa la filayaa inuu tijaabada caafimaadka ku maro xarunta tababarka ee Arsenal duhurnimada maanta, Gunners ayaana shaacin doonta saxiixiisa barri oo isniin ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close