DAAWO: Giroud oo xaqiijiyay in Jamie Vardy uu ku soo wajahanyahay Arsenal (Muxuuse ka yiri tartanka dhex mari doona?)

(London) 05 Juunyo 2016 Weerar yahanka xulka qaranka Faransiiska iyo kooxda Arsenal Olivier Giroud ayaa xaqiijiyay in Jamie Vardy uu ku soo wajahanyahay Gunners.

Giroud oo xulkiisa qaranka u dhaliyay 2 gool kulan saaxiibtinimo oo ay la ciyaareen xulka qaranka Scotland ayaa soo dhaweeyay in Vardy uu xirto maaliyada Arsenal.

“Waxaa la ii sheegay in Jamie Vardy uu doonayo inuu nagu soo biiro anaga, waa war aad u wanaagsan, waa laacib cajiib ah, waana awoodnaa inaan is dhamaystirno oo aan is caawino” ayuu yiri Giroud oo ka hadlay saxiixa Vardy.

Giroud ayaa la waydiiyay in tababare Wenger uu shaxdiisa u badali doono 4-4-2 si uu u ciyaaro weerar ka kooban Vardy iyo Giroud oo iska garab ciyaara? wuxuuna ku jawaabay:

“Magaran karo xaqiiqada, waxaan larabaa wax wanaagsan kooxdayda Arsenal, weerar yahanada fiican waan ku soo dhawaynayaa kooxda, kadib wax walbo waxay noqon doonaan kuwo ku xiran tartan”.

“Waxaan rajaynayaa in kadib aan ku guulaysano horyaalka” Giroud ayaa qosol sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close