Tartanka Copa America oo daaha laga qaaday iyo xulka Colombia oo ku furtay guul ay ka gaareen USA … + SAWIRRO

(California) 04 Juunyo 2016 – Tartankia xiisaha leh ee Copa America ayaa daaha laga rogay, iyadoo xulka qaranka Colombia uu ku furtay guul 2-0 oo ay ka gaareen Mareykanka.

Labadan xul ee Colombia iyo USA ayaa furay tartanka Copa America kaasi oo u dabaal degayay munaasabadii 100-aad tan iyo markii la’ aas-aasay, waana markii ugu horreeysay oo lagu qabto dalka ka baxsan Latin America.

Xulka qaranka Colombia ayaa goolka hore la yimid daqiiqaddii 8-aad ee bolowgii ciyaarta, kaddib markii kubbad gees laad laga soo qaaday oo uu soo karoosay Juan Cuadrado uu gool u rogay Cristian Zapata.

Inta aan la aadin qeybta nasashada ayaa USA laga dhaliyey goolka labaad, waxaana Colombia lagu abaal-mariyey gool ku laad ama rigoore, kaddib markii xiddig xulka Mareykanka ka tirsan uu kubadda gacanta ku taabtay, isagoo ku jira xerada ganaaxa, waxaana rigooradaas dhaliyey 42-daqiiqo James Rodriguez.

Xulka Colombia ayaa ku adkaaday labadaas gool, iyadoo Mareykanku uu tartanka Copa America guuldarro ku futay.

SAWIRRO:

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23

24

25

26

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close