Roma oo badalka Miralem Pjanic ka raadinaysa kooxda Newcastle United

(Roma) 03 Juunyo 2016 Roma ayaa ku sii dhawaanaysa inay iska dirto xaggaagan laacibkeeda reer Bosnia ee Miralem Pjanic kaas oo diirada u saaran kooxaha ugu quwada wayn qaarada yurub.

SKY Sport ayaa baahisay in kooxda Roma ay beegsanayso laacibka qadka dhexe ee kooxda Newcastle United Georginio Wijnaldum.

Roma ayaa ka warhaysa in 25 jirka reer Holland uu doonayo inuu isaga tago Newcastle United kadib markii ay u dheceen horyaalka heerka labaad ee ingiriiska.

Georginio Wijnaldum ayaa 11 gool u dhaliyay kooxdiisa xiliciyaareedkiisii ugu horeeyay isaga oo caawiyay 5 kale taas ayaana keentay in Roma ay u aragto badalka ku haboon ee Pjanic oo Barcelona ay ku sii dhawaanayso saxiixiisa.

Juventus, PSG, Bayern Munich, Chelsea iyo Barcelona ayaa ku dagaalamaya saxiixa Pjanic suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close