RASMI: Kooxda hanatay Premier League ee Leicester City oo la saxiixatay Zieler

CkBQzbuW0AAzUUz

(Leicester) 03 Juunyo 2016 – Kooxda kubadda cagta Leicester City ee ku guuleystay horyaalka Premier League ayaa samaysay saxiixeedii ugu horreysay xagaaga, kaddib markii ay la wareegtay goolhayaha xulka qaranka Jarmalka ee Ron-Robert Zieler.

Dawacooyinka kooxda lagu naanayso waxa ay goolhaye Ron-Robert Zieler kaga soo qaadtay qiime lacageed aan la shaacin kooxda Hannover 96.

Kooxda Leicester ayaa website-keeda rasmiga ah ku xaqiijisay maanta inay 27-sano jirkaan ka saxiixatay heshiis afar sanadood ah, kaasoo garoonka King Power Stadium ku sii hayn doona ilaa sanadka 2020.

Goolhaye Zieler ayaa lix kulan u saftay xulka Germany, wuxuuna qeyb ka ahaa shaxdii xulkiisa ee ku guuleystay koobkii Adduunka ee sanadkii 2014-kii ka dhacay dalka Brazil.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close