Anthony Martial oo soo dhaweeyay in Zlatan Ibrahimovic uu ku soo biiro Man United

(Manchester) 03 Juunyo 2016 Weerar yahanka kooxda Man United Anthony Martial ayaa soo dhaweeyay in kooxdiisu ay la soo wareegto weerar yahanka reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic.

Kadib markii loomagacaabay jimcihii hore shaqada kooxda Man United tababare Jose Mourinho waxaa aad u sii xoogaystay wararka la xiriirinaya Zlatan kooxda ku ciyaarta garoonka Old Trafford.

“Waa wax wanaagsan haddii Zlatan Ibrahimovic uu yimaado Man United, waa weerar yahan wayn, wuxuuna nasiin doonaa khibrad” ayuu u sheegay Martial shabakada 442.

Anthony Martial oo la waydiiyay magacaabista tababare Jose Mourinho ayaa ku jawaabay:

“Waan ognahay in tababare Jose Mourinho uu yahay tababare wayn, waana mid kamid ah tababareyaasha ugu fiican aduunka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close