Real Madrid oo heshiis la gaartay Robert Lewandowski

(Madrid) 02 Juunyo 2016 Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa heshiis la gaartay weerar yahan ka kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski.

AS ayaa shaacisay in Real Madrid ay heshiis la gaartay Robert Lewandowski kaas oo diirada u saarnaa mudo dheer, laacibka ayaa isku diyaarinaya inuu ka soo dhaqaaqo Allianz Arena xaggaagan.

Agaasimaha kooxda Real Madrid Jose Angel Sanchez ayaa la kulmay wakiilka Lewandowski intii lagu guda jiray kulamadii Semi Final-ka Champions League ee bishii hore.

Lewandowski wants a £15m salary

Wararka ayaa intaa ku daraya in wadahadaladii u dhexeeyay Real iyo wakiilada Lewandowski la dhameeyay isla markaana weerar yahanka reer Poland uu heshiis lagaaray Real Madrid.

Bayern Munich ayaa horay u sheegtay in weerar yahankooda Robert Lewandowski uusan iib ahayn suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close