Mesut Ozil oo xaqiijiyay inuusan soomi karin bisha barakaysan ee ramadaan (Sabab?)

(Berlin) 02 Juunyo 2016 Kubadd abuuraha xulka qaranka Germanka iyo kooxda Arsenal Mesut Ozil ayaa xaqiijiyay inuusan soomi karin bisha barakaysan ee ramadaan maadama uu ku soo aaday xili uu ka qaybgalayo euro 2016.

Mesut Ozil ayaa sheegay in marnaba aysan suuro gal ahayn inuu isku keeno soon iyo ciyaarida koobka qaramada qaarada yurub maadama lagu jiro xiliga xaggaaga oo kulul.

“Jawigu waa mid aad u kulul xaggaaga, tababar adag iyo kulamo ayaan leenahay sidaas darteed suurogal iima ahan inaan soomo” ayuu u sheegay Mesut Ozil wargayska Express ee dalka Germanka.

Ozil oo markale lagu celiyay su’aasha ayaa la waydiiyay inuu isku keeni karo soonka bisha barakaysan ee ramadaan iyo koobka euro 2016 wuxuuna si adag u yiri “Marnaba suuro gal ma ahan taas”.

Photo published for SAWIRRO: Mesut Ozil oo gaaray magaalada barakaysan ee Makah si uu u cumraysto

Mesut Ozil ayaa isbuuc ka hor booqday magaalada bakaraysan ee Makah si uu u soo cumraysto laakiin waxaa layaab noqotay inuu diido soonka bisha barakaysan ee ramadaan inta lagu gudajiro koobka qaramada qaarada yurub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close