Barcelona oo shaacisay in Dani Alves uu ka tagayo kooxda xaggaagan

Photo published for Brazil star Alves to leave Barcelona

(Barcelona) 02 Juunyo 2016 Barcelona ayaa si rasmi ah u shaacisay in daafacooda reer Brazil ee Dani Alves uu katagi doono kooxda suuqa kala iibsiga xaggaagan.

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Barcelona Robert Fernandez ayaa xaqiijiyay in Dani Alves uu kooxda waydiistay inay iska fasaxaan kooxduna ay aqbashay dalabka laacibka ka ciyaara daafaca midig.

“Dani Alves? Wuxuu go’aansaday inuu baxo, waa go’aan shaqsiyadiisa ah anaguna waan aqbalnay” ayuu yiri agaasimaha ciyaaraha Barcelona.

“Alves wuxuu ahaa laacib cajiib ah oo ay jecelyihiin asxaabtiisa kooxda, dhaqan fiican ayuu ku lahaa gudaha iyo banaanka garoonka, laakiin go’aankiisa ayaa noqday katagista kooxda waana aqbalnay”.

“Alves bilaash ayuu uga tagi doona kooxda, waa inaan xusuusanaa inuu heshiis cusub saxiixay sanad ka hor markaas oo kooxdu ay ka ganaaxneyd suuqa, inuu nala siijogo wuxuu ahaa go’aan sax ah”.

Dani Alves oo 33 jir ah ayaa ku soo biiray Barcelona 2008 markaas oo uu ka soo dhaqaaqay kooxda Sevilla, wuxuuna kula guulaystay 3 Champions League, 6 horyaal iyo 4 Copa del Rey.

Daafaca reer Brazil ayaana la filayaa inuu ku biiro kooxda Juventus ee dalka talyaaniga maalmaha nagu soo aadan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close