Arsenal oo qorshaynaysa saxiixa weerar yahanka Santos Gabriel Barbosa

Gabriel Barbosa

(London) 02 Juunyo 2016 Kooxda Arsenal ee dalka ingiriiska ayaa qorshaynaysa inay u dhaqaaqdo soo xero galinta weerar yahanka reer Brazil ee kooxda Santos Gabriel Barbosa.

The Sun ayaa shaacisay in qaab ciyaareedka fiican ee Gabriel Barbosa uu soo bandhigay xiliciyaareed kii dhamaaday ay keentay in Arsenal ay doondoonto saxiixiisa.

Gabriel Barbosa waa 19 jir waxaa lagu naynaasaa “Neymarka cusub” wuxuuna gool u dhaliyay xulka qaranka Brazil kulankii ay Panama uga adkaadeen 2-0.

Tababare Arsene Wenger oo uu saaranyahay cadaadis xoogan oo dhanka weerarka ah ayaa doonaya in Gabriel Barbosa uu keeno garoonka Emirates xaggaagan.

Gunners ayaa loolan ku aadan saxiixa Gabriel Barbosa kala kulmaysa kooxaha Man United iyo Chelsea oo dhankooda doonaya saxiixiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close