RASMI: Laacibkii hore ee Arsenal Jose Antonio Reyes oo ka tagay naadiga Sevilla

reyesss

(Sevilla) 01 Juunyo 2016. Laacibkii hore ee Gunners Jose Antonio Reyes ayaa ka tagaya kooxda Sevilla ee dhawaan ku guuleysatay Europe League sida ay kooxdu shaacisay.

32-jirka ayaa ku soo laabashadiisii labaad ee kooxda reer Spain ka caawiyay inay markii saddexaad oo xiriir ah ku guuleystaan Europe League.

“Jose Antonio Reye wuu ka tagayaa Sevilla,” Sidaa ayaaa lagu yiri bayaan dheer ay soo saartay kooxda oo ay ku ammaaneyso laacibkooda oo ay ku sheegtay mid ka mid ah xiddigihii ugu fiicnaa kooxda soo mara haddii uusanba ahayn kii ugu fiicnaa ebid ee soo mara kooxda.

reyess

Laacibkii hore ee Arsenal kaa oo 253 oo kulan u saftay kooxda Sevilla ayaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqo horyaalka dalka Turkiga gaar ahaan kooxda Galatasaray.

 Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close