Muxuu Rooney ka yiri tababarihiisa cusub ee Jose Mourinho

(Manchester) 01 Juunyo 2016. Jose Mourinho ayaa usbuucii la soo dhaafay xilka tababaranimo kala wareegay Louis van Gaal iyadoo loo xil saaray in Man United uu ku soo celiyo halka sare ee Premier League.

Kabtanka Man United Wayne Rooney ayaa aaminsan in kooxdiisu ay shaqo galisay mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican adduunka.

Weeraryahanka reer England ayaa bartilmaameed waqti dheer u ahaa Jose Mourinho iyadoo uu markii ugu dhawaa inuu ku soo biiro kooxdiisa ay ahayd markii uu Sir Alex Fergusen ka tagay Red Devils 2013.

“Waa mid xiiso leh,” Rooney ayaa sidaa ka yiri shirka jaraa’id ee ka horreeyay kulanka ay Euro isugu diyaarinayaan ay la yeelan doonaan berito Purtugal.

“Waa mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican adduunka. sida cadna dhab ahaan si wacan ayuu u garanayaa Premier League.

“Aniga iyo ciyaartoyda kale ee Man United waa waqtiyo xiiso leh sidaa darteed si xiiso leh ayaan uga dharsugayaa.

wayne

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close