Karim Benzema oo ka hadlay wararka sheegaya inuu Jose Mourinho kula midoobi doono Man United

(Madrid) 01 Juunyo 2016. Weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema ayaa markii labaad Champions League kula guuleystay kooxdiisa tan iyo sidii uu ugu soo biiray.
Iyadoo ay jirto inuu ku raaxeysanayo guulahaas ayaa waxaa soo ifbaxaya warar sheegaya in Jose Mourinho uu doonayo inuu Old Trafford u kaxeysto weeraryahankiisii hore.
Mar wax laga waydiiyay wararka la xiriirinaya Jose Mourinho, Benzema ayaa yiri: “Mourinho wuxuu ahaa wax gaar ah.
“Si fiican uma socon bilowgii, laakiin intaa kaddib ayay wacnaatay iyadoo isugu jirta wax fiican iyo wax xunba.
“Laakiin ma ihi isla ciyaaryahankii waqtigaa, waan yaraa.
“Laakiin Hey, Ma jirto koox iga yeeli karta inaan riyoodo sida Real Madrid oo kale.
Inkastuu Benzema xiriir aad u fiican uu kala dhexeeyo Jose Mourinho ayuu misane qiray inuu rajeynayo inuu ciyaaraha uga fariisto kooxda reer Spain.
“Waxaan had iyo jeer iraahdaa waxaan joogaa kooxda ugu fiican adduunka, garoonka ugu fiican, taageerayaasha ugu fiican, heerkasta oo looga baahan yahay ciyaarista, laacibiinta ugu fiican adduunka.
“Halkan haddii aan ka tago, dhabtii ma garanayo meel aan aado.
“Tani waa halka ugu sarreysa, waxaa jira kooxo kale oo lacago badan ku siinay si aad ugu ciyaarto, laakiin anigu ma ihi nuucaa.
“Waxaan jeclahay kubbada cagta halkana waa meesha ugu fiican.
Gool FM.