AQRISO: Wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

jariirad

(Europe) 01 Juunyo 2016. Aqriste waxaan halkan kugu heynaa oo aan kugu soo ururinay warbixinnadii ugu dambeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Ka aqri halka hoose.
Arsenal iyo Chelsea ayaa qoorta iskula gali kara tartanka ay doonayaan inay kula soo saxiixdaan 23-jirka weerarka uga ciyaara Juventus ee Alvaro Morata kaa oo sheegay in Premier League uu noqon karaayo mardhammaad fiican. (Daily Mirror).

Tababaraha cusub ee Man United Jose Mourinho ayaa eeganaya inuu Liverpool iyo Chelsea ku garaaco saxiixa 26-jirka qadka dhexe kaga ciyaara AS Roma Miralem Pjanic. (Mundo Deportivo).

Arsenal ayaa dooneysa daafaca dambe ee Inter Milan Jeison Murillo laakiin waxay tartan kala kulmeysaa Leicester, Stoke iyo Zenit St Petersburg.(Gazzetta dello Sport via Daily Express).

Gunners ayaa rajo ka heshay dalabkeeda ay kula soo saxiixaneyso xiddiga qadka dhexe ee weerarka Borussia Dortmund Henrikh Mkhitaryan kaddib markii uu wakiilka 27-jirka uu sheegay in xiddiga reer Armenia uu eegayo dookhyadiisa.(Bild via Evening Standard).

Sikastaba, Arsenal ayaa tartan kala kulmi doonta kooxda kala dhisan London ee Tottenham taa oo ku aadan saxiixa Henrikh Mkhitaryan. (Daily Star).

West Ham ayaa dalab 16-milyan ah ka gudbisay weeraryahanka AC Milan Carlos Bacca, laakiin kooxda reer Talyaani ayaa 29-jirka reer Colombia ku dooneysa 20-milyan oo bound. (Daily Mail).

Tottenham ayaa ku jirta wada hadalo 30-milyan oo ay ugu dhaqaaqeyso weeraryahanka Lyon Alexandre Lacazette, 25-jir, kaa oo sidoo kale bartilmaameed u ah West Ham. (Daily Mirror).

jariiraddo

Spurs ayaa sidoo kale qorsheynaysa inay dalab ka gudbiso 27-jirka weerarka uga ciyaara Warford Troy Deeney. (Sun).

Rajada Man United ee ku aadan saxiixan xiddiga qadka dhexe ee reer Poland Grzegorz Krychowiak, 26-jier ee u safta Sevilla ayaa waxaa waxyeelayn kara xiisaha uga imaanaya Barcelona.(Mundo Deportivo via Daily Express).

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa qorsheynay inuu u dhaqaaqo saxiixa goolhayihii hore ee kooxdan Pepe Reina, 33-jir, kaa oo iminka shabaqa u ilaaliya Napoli. (Corriere dello Sport via Daily Star).

Tababarihii hore ee Chelsea Roberto Di Matteo, 45-jir ayaa la filayaa in loo magacaabo tababaraha cusub ee Aston Villa 48-saacadood ee soo socota. (Sun).

 Waxaa kuu soo ururiyay: Cabdisamed Maxamed Xasan (Black Yare).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close