Ancelotti : Waxaan isku dayey in aan la soo saxiixdo Gerrard balse suuragal wey noqon weysay

GerroAncelotti_2118407a

(Milan) 01 Juun 2016. Carlo Ancelotti waxa uu daaha ka rogay in uu isku dayey la soo saxiixashada Steven Gerrard waqtigiisii AC Milan.

Waxa ay isaga hor yimaadeen kulankii caanka ahaa ee Istanbul 2005-tii, ciyaar uu bilaabay kacdoon ay Liverpool dib uga soo laabatay natiijo 3-0 ahayd qeybtii dambe.

Ancelotti wuu arsaday laba sano kaddib laakiin waxa uu qiray in xiddiga uu isku dayey ka soo wadida Anfield.

Mar ay weydiisay FourFourTwo hal ciyaaryahan ee uu jacelaan lahaa in uu la soo saxiixdo waxa uu yiri: “Waxaan isku dayey Steven Gerrard in aan ka keeno Liverpool laakiin suuragal ma ahayn.”

Ancelotti waxa uu sideed sano ku qaatay Rossoneri isaga oo ku guuleystay Serie A, Coppa Italia iyo laba Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close