RASMI: Granit Xhaka oo iska badalay lambarkii laga siiyay Arsenal ee “16” isla markaana qaatay lambar cusub!

Granit Xhaka

(London) 31 Maajo 2016 Laacibka reer Switzerland ee kooxda Arsenal ku soo biiray isbuucyo ka hor ayaa iska badaly lambarkii horay loosiiyay ee “16”.

Granit Xhaka ayaa codsaday in la siiyo lambarka “29” ee kooxda Arsenal si uu ugu ciyaaro xiliciyaareedka soo socda kadib markii uu waayay lambar “34”.

Arsenal oo shaacisay sababta Granit Xhaka uu u qaatay lambarka 29 ayaa sheegtay in laacibku uu doonayo inuu xirto lambar ka turjumaya sanadkii uu dhashay.

Xhaka ayaa dhashay 1992, wuxuuna doortay 29 maadama lambarkaas uu yahay 92 oo lagadiyay, Gunners ayaana cudur daar u jeedisay taageerayaashii soo codsaday lambarkii hore ee “16”, waxaana loogu badali doona “29”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close