Iibka AC Milan oo ka gudbey caqabad hor taalley! (Maxaa kasoo baxay kulankii maanta?

(Milano) 01 Juunyo 2o16 – Silvio Berlusconi ayaa sida la sheegayo ogolaaday in lasii amba qaado wada xaajoodyada lagu iibinayo AC Milan kaddib markii uu ku ”qancay” maal gashadayaasha Chinse-ka ah.

Madaxwaynaha ayaa woxoogaa caga jiid ah ka qabey ragga doonaya inay ka iibsadaan Milan oo uu markii dambe dalbaday in looga dhoco waxa ay yihiin maaddaama uu ka iibinayo koox uu maamulayey muddo 3o sano ah.

Maanya ayuuna Berlusconi wuxuu kulan la qaatay carruurtiisa iyo maareeyayaasha Fininvest oo ah kambaniga naadiga gacanta ku haya iyadoo ilo ay ka mid yihiin Sky Sport Italia iyo Calciomercato.com, ay qorayaan in Berlusconi uu haatan ku qancay inay raggani yihiin rag Rossoneri boorka ka jafi kara.

In kastoo uusan wada arag liiska maalgashadayaashan Chinese-ka ah misna waa tillaabo horay loo qaaday ayayna sheegeen, iyadoo wada xaajoodyada haatan socdaa ay dhacayaan bishan Juun 20-keeda.

mlk

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close