Barcelona oo kusoo biirtay cayrsiga Miralem Pjanic

(Roma) 01 Juunyo 2016 – Macallinka Barcelona ee Luis Enrique ayaa doonaya inuu dib ula midoobo laacibka AS Roma ee Miralem Pjanic, sida uu qabo Mundo Deportivo.

Laacibkan caalamiga ah ee reer Bosnia ayaa lagu sii dayn karaa adduun dhan €38m, taasoo ah shuruud ku xiran qandaraaskiisa iyadoo ay xiise u muujinayaan kooxaha Juventus iyo Paris Saint-Germain oo iyagu aan dhib ku qabin bixinta kharajkaasi.

Yeelkeede, Mundo Deportivo ayaa haatan sheegaya in Barcelona ay sidoo kale hardanka kusoo biirtay, gaar ahaan waxaa laacibka aad u doonaya Luis Enrique oo ah macallinkii Pjanic Roma keenay.

Kooxda Giallorossi ayaa laacibka kasoo qaadatay Olympique Lyonnais xagaagii 2011 oo ay €11m kasoo bixisay.

Roma ayaa arrintan aad uga fikireeysa maaddaama ay hoos u dhacayso lacagta lagu fasaqayo heshiiska Pjanic oo haatan ah €38m balse sanadka soo aaddan noqon doonta €28m oo qura.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close