Mario Gotze oo diiday inuu ka hadlo mustaqbalkiisa Bayern Munich

(Munich) 30 Maajo 2016 Kubbad sameeyaha kooxda Bayern Munich iyo xulka qaranka Germanka ee Mario Gotze ayaa iska diiday inuu ka hadlo mustaqbalkiisa.

Laacib kaan ayaa aad loola xiriirinayaa kooxda Liverpool kadib markii la xaqiijiyay inuusan noqon doonin dooqa koowaad ee tababare Carlo Ancelotti xiliciyaareedka soo socda.

Mario Gotze ayaa sheegay inuu xooga saari doono kaliya koobka qaramada qaarada yurub isaga oo diiday inuu ka hadlo mustaqbalkiisa Bayern Munich.

“Horay ayaan uga hadlay wax walba oo ku saabsan arinkaas” ayuu yiri Mario Gotze mar waxlaga waydiiyay mustaqbalkiisa kadib guul daradii xalay ka soo gaartay xulka qaranka Slovakia.

“Haatan waxaan xooga saarayaa Euro mana doonayo inaan wax intaas kabadan ka dhaho arinkaas”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close