Marcus Rashford iyo Cameron Borthwick-Jackson oo heshiisyo cusub u saxiixay Manchester United

(Manchester) 30 Maajo 2016 – Xiddigaha da’da yar ee Marcus Rashford iyo Cameron Borthwick-Jackson ayaa labaduba heshiisyo cusub u saxiixay kooxda Manchester United, qandaraasyadaas oo ku eg ilaa xilli ciyareedka 2020.

18-sano jirkaan Rashford ayaa qeybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore ka dheel bilaabay Old Trafford, waxaana uu u dhaliyey Man United 8 gool 17 kulan oo uu u saftay, waxaana kulankii ugu horreeyey oo uu u saftay United uu ahaa kulankii ay ka hor jeedeen Midtjylland ee Europa League.

Rashford ayaa sidoo kale noqday da’yarkii ugu yaraa ee gool u dhaliya xulka England kulankiisa ugu horreeya, waxaana uu saddex daqiiqo oo qura ku dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey ee xulka macallin Roy Hodgson kulankii habeen hore ee saaxiibtinnimo oo ay ka hortageen Australia.

Waxa uu Rashford qalinka ku duugay heshiis ku eg ugu yaraan sanadka 2020, isagoo dooq u haysta inuu sanad kale ku sii darsado.

Dhinaca kale Borthwick-Jackson, kaasoo 14 kulan u saftay kooxdiisa Man United xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, ayaa sidoo kale saxiixay heshiis dheer oo ku eg ilaa sanadka 2020.

saxxxx

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close