Lionel Messi oo hadalo YAAB leh ka hor yiri maxkamadii la soo taagay iyo Garsooraha oo ku yiri Messi ‘Codkaaga kor u qaad’.

mes

(Catalonia) 30 Maajo 2016. Lionel Mess iyo aabihii Jorge Horacio ayaa weli lagu heystaa dacwadii lagu soo oogay ee ahayd inay lunsadeen lacago canshuuraad ah oo dhan 4.1-milyan oo euro sanadihii u dhexeeyay  2007 ilaa 2009..

Ka hor maxkamadeyntooda talaadada ayaa daaha laga rogay waxyaabo uu horey maxkamada uga yiri Lionel Messi sanadii 2013 sida ay sheegeyso jariiradda ka soo baxda Catalan ee El Periodico.

“Waan aaminsanahay aabahey, kaa oo ilaaliya ganacsigeyga”. Messi ayaa sidaa ku yiri Garsooraha sanadkii 2013.

Messi ayaa la waydiiyay inuu aqriyo qandaraasyada inta uusan saxiixin wuxuuna ku jawaabay.

“Wax kasta ayaan saxiixaa, laakiin marna ma aqriyo qandaraasyada.

“Ma garanayo waxa aan saxiixayo.

lio

Garosooraha ayaa sidoo kale waydiiyay Messi inuu kor u qaado codkiisa laakiin kabtanka reer Argentina ayaa sheegay inuu sidan u baxay.

“Sidan ayaan u hadlaa.”.

Marka ay soo gabo gabowdo maxkamadeyntiisa Messi ayaa xulkiisa Argentina kula biiri doona Copa America.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close