Ever Banega oo markii ugu horreeysey ka hadlay u wareegistiisa Inter Milan

(Sevilla) 30 Maajo 2016 – Ever Banega ayaa sharraxay sababta uu kooxdiisa hanatay Europa League ee Sevilla uu uga wareegayo kooxda Inter Milan xagaagan. “Nolosha, waa inaad go’aamo gaartaa…”

Banega ayaa lagu wadaa inuu ku biiro kooxda Inter isla marka uu furmo suuq-xagaagu bisha Luulyo, isagoo waloow uu qirayo inay qaraar tahay ka tegista kooxdan Andalusia ay misna go’aan sax ah tahay inuu ku biiro Nerazzurri.

“Maxaan u tegeyaa? Nolosha, waa inuu go’aamo gaartaa sax iyo khaladba,” ayuu ku yiri idaacadda ABC.

“In badan baan laba labeeyay maxaa yeelay wixii aan ka helay Sevilla, waa naadir inaan meel kale ka helo. Lkn haatan fursad kale ayaa iisoo baxday waana ku dadaali doonaa.” ayuu raaciyey.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close