“Diyaar ayaan u ahay inaan buuxiyo booska Dani Carvajal” – Hector Bellerin

(London) 30 Maajo 2016 Daafaca midig ee kooxda Arsenal Hector Bellerin ayaa daaha ka qaaday inuu diyaar u yahay buuxinta booska Dani Carvajal ee xulka qaranka Spain koobka qaramada qaarada yurub.

Dani Carvajal ayaa dhaawac looga saaray kulankii Real Madrid ay gool ku laadka uga adkaatay kooxda Atletico Final-kii Champions League, waxaana loobadinayaa inuu seegi doono euro 2016.

Hector Bellerin ayaase diyaar u ah inuu buuxiyo booska Dani Carvajal ee xulka Spain haddii la xaqiijiyo inuu seegi doono koobka qaramada qaarada yurub.

“Waxaan arkaa in Carvajal uu helayo daawayn ku filan si uu dhaqso u soo laabto, laakiin ilaa waqtigaas diyaar ayaan u ahay inaan ka sii mid ahaado xulka qaranka” ayuu yiri Hector Bellerin.

“Go’aanku waa mid ku jira gacanta tababaraha, waan sugi doonaa wixii dhaca, aad ayaan ugu faraxsanahay joogitaankayga xarunta tababarka ee xulka qaranka”.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close