Wakiilka Robert Lewandowski oo la kulmay koox aan ahayn Real Madrid

(Munich) 29 Maajo 2016 Wakiilka weerar yahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa la sheegay inuu la kulmay koox aan ahayn Real Madrid.

Wakiilkaan ayaa shalay shaaciyay in Real Madrid ay la soo xiriirtay Robert Lewandowski si uu ugu biiro xaggaagan balse waxaa la ogaaday koox kale oo uu la kulmay.

Bild ayaa ogaagaty in wakiilka Robert Lewandowski uu la kulmay kooxdea PSG oo baadi goob ugu jirta badalka weerar yahankoodii reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Bayern aysan ka cabsi qabin isku day walba oo lagu doonayo weerar yahankeeda suuqa kala iibsiga ee xagaagan.

Kooxda macalin Carlo Ancelotti ayaana isku diyaarinaysa inay hor dhigto weerar yahanka reer Poland heshiis cusub oo ku eg 2021 kaas oo sanadkii uu mushaar ahaan u qaadan doono 15 milyan oo euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close