Tartanka is dhexgalka dhalinyarada oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga Olombiakda Soomaaliyeed ayaa xaflad heer sare ah lagu soo xeray.

1

(Muqdisho) 28 Maajo 2016. Shirkada Project of SKA Internatinal Group oo ah haayad horumarineed taas oo uu saldhigeedu yahay garoonka  caalamiga ah ee diyuuradaha Aadan Cade oo tartanka taaba gelisay ayaa xaflad lagu abaalmarinayo kooxaha kaalmaha  ugu qabatay xarunteeda, waxaana kasoo qeyb galay Masuuliyiinta Guddiga Olombikada iyo Shirkadda SKA,  macalimiinta iyo Ardeyda labada iskuul ee kaalmaha hore tartanka ka galay.

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay Xoghayaha Gos Duran Axmed Faarax waxuuna sheegay in Tartankan ay Gos ugu talo gashay  in dhalinyrada xilliga waxbarashada kujirta isku bartaan  lagana helo ciyaartoy mustqbal ku yeesha isboortiga.

Xoghayaha ayaa intaa ku daray in tartanka  ay kasoo muuqdeen ciyaartooy badan  waxtar leh taasoo muujineysa in uu tartanka miro dhal noqday, isla markaana ay joogtayn doonan tartamada kale gedisan  ee ay ku horumarinayo isboortiga dalka.

Sidoo kale waxa goobta ka hadlay Frank Duran oo ah  madaxa shirada SKA , waxuuna sheegay in SKA ay dalka u joogto in ay ka qeyb qaadato horumarka dalka  isboortiga uu yahay  qeybta ugu muhiimsan ay dhalinyarada ka heli karaan fursado wanaagsan, waxuuna u mahad celiyay guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo tartanka soo abaabulay dhankoodana ay diyaar u yihiin ay ka qeyb qaataan tartamada kale gedisan e lagu horumarinayo isboortiga Soomaaliya.

Tartankan oo soo bilowday  7 may   waxaa lasoo gebagabeeyay 23 May waxaana ka qeyb galay 15 Iskuul , kama dambeysta  waxaa isugu soo haray Iskuulada Cabdicasiis iyo 12-ka Oktoobar waxaana 3-1 koobka ku qaday Iskuulka  Cabdicasiis.

Ugu dambeyn waxaa halkaas lagu bixiyay abaalmarino ay ka mid yihiin koobka kaalinta kowaad, kaalinta labaad   laacibka ugu wanaagsan  tartanka oo la guddoonsiiyay da’yartaka degmada Cabdicasiis. Idiris Maxamed Bilaal.

SAWIRO

 

11 12 13 14 15 6 7 8 9 10 1 2 3 4 5

Waaxda Warfaafinta GOS

 Info@nocsom.com

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close