Goolhayaha Real Madrid Keylor Navas oo caawa taariikh sameyn kara

(Milano) 28 Maajo 2016. Haddii ay caawa Real Madrid ku guuleysato Champions League waxay micno gaar ah u sameyn doontaa oo ay taariikh u noqon doontaa goolhayahooda Keylor Navas.

Goolhayaha reer Costa Rica ayaa noqon doona shaqsigii ugu horreeyay ee ka soo jeeda bartanka America ee ku guuleysta Champions League.

“Tan iyo bilowgii, Champions League wuxuu ahaa riyadeyda, riyo dhab isku badeshay,” Goolhaye Navas ayaa sidaa yiri.

“Markii aan yaraa, Waxaan sawiran jiray anigoo ciyaaraya kulamadan, mudnaan gaar ah ayay ii tahay inaan kooxdan ka mid noqdo aana ku guuleysto final”.

Sikasta iyo natiijo kasta oo ka soo baxda kulanka caawa Goolhaye Keylor Navas ayaa sidanba taariikh ku sameeyay wuxuuna noqday qofkii ugu horreeyay ee u dhasha Costa Rica kana soo jeeda dhanka raga ee ciyaara  finalka, inkastoo haweynayda lagu magacaabo Shirley Cruzn ay labo jeer final u matashay iyadoo ay labada jeerba kula guuleysatay kooxda Lyon.

Waxaa jira shan kooxood oo ku guul darreysatay kal ciyaareedkan Champions League inay gaaraan  shabaqa goolhayaha reer Costa Rica, Shakhtar Donetsk, PSG, Malmo, Roma iyo Manchester City

Wuxuuna indhaha ku hayaa caawa inuu lix kooxood ka dhigo oo isla markaana uu shaqaba u diido Atletico Madrid ciyaarta finalka ee caawa ka dhici doonta San Siro.

navas

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close