DEG DEG:Tottenham oo loo ogolaaday in kulamada Champions League ee xiliciyaareedka dambe ay ku ciyaarto Wembley

(London) 28 Maajo 2016 Kooxda Tottenham iyo FA-ga ingiriiska ayaa isla gaaray heshiis kaas oo u ogolaanaya kooxda ka dhisan waqooyiga London inay ku ciyaarto garoonka xulka qaranka ingiriiska ee Wembley kulamada gurigooda ee Champions League.

Tottenham ayaa u soo baxday Champions League xiliciyaareed kan waxayna ka codsatay maamulka FA-ga ingiriiska in kulamadooda Champions League ee xiliciyaareedka dambe ay ku ciyaaraan Wembley taas oo la ogolaaday.

Sidoo kale heshiiska waxaa ka mid ah in Tottenham ay ku ciyaari karto Wembley dhamaan kulamadeeda Premier League iyo koobabka kale xiliciyaareedka 2017/18 haddii ay u baahdaan.

Tottenham ayaa ku guda jirta dhisida garoon qaadkiisu yahay 60 kun oo taageere, waana sababta ku riixaysa inay ku ciyaaraan Wembley.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close