DEG DEG: Mamadou Sakho oo la cadeeyay inuusan mutaysan doonin ganaax kadib kaniinigii uu isticmaalay!

(Liverpool) 28 Maajo 2016 Daafaca kooxda Liverpool Mamadou Sakho ayaa la sheegay inuusan mutaysan doonin wax ganaax ah kadib kaniinigii uu isticmaalay.

L’Equipe ayaa shaacisay goor dhaw in Mamadou Sakho lagu waayay danbigii ahaa inuu isticmaalay waxyaabo mamnuuc ka ah kubadda cagta.

Qareenka reer ingiriis ee u doodayay Mamadou Sakho ayaa cadeeyay in kaniinigii uu isticmaalay laacibka reer France uu ahaa mid gubaya kaliya baruurta jirka isla markaana aysan ku jirin maadooyinka laga mamnuucay kubadda cagta.

Mamadou Sakho ayaa haatan dhamaystay ganaaxiisii 30-ka maalin ahaa ee UEFA ay dul dhigtay, wuxuuna fursad u haystaa inuu xulka qaranka France u matalo koobka qaramada qaarada yurub ee 2016.

Ma jiro ilaa haatan war rasmi ah oo ka soo baxay xiriirka kubadda cagta yurub ee UEFA iyo kooxda Liverpool oo ku aadan arinkaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close