Mascherano oo ka hadlay xaqiiqda ka tagitaanka Barcelona (Muxuu yiri)

(Barcelona) 27 Maajo 2016 Daafaca kooxda Barcelona Javier Mascherano ayaa ka hadlay warar maalmihii u danbeeyay la faafiyay kaas oo ahaa inuu heshiis lagaaray Juventus.

Javier Mascherano ayaa beeniyay inuu ka tagayo Barcelona suuqa xaggaagan laakiin wuxuu sheegay in uusan garan karin wixii dhici doona mustaqbalka.

“Waa warar suuqeed, waxaan horay u iri abaal wayn ayaan u haayaa Barcelona” ayuu yiri Javier Mascherano xili uu ka jawaabayay wararka la xiriirinaya Juventus.

“Ma gaanayo wixii dhici doona mustaqbalka, laakiin ma jecli inaan hal meel ku dhagnaado, ma ihi qof waalan si aan uga tago kooxda, Barcelona waxay i siisay wax walbo mana fududa inaan ka tago”.

“Barcelona waa ay ogtahay arimaha shaqsiyadeed ee i soo maray, wayna ogyihiin ra’yiga mustaqbalkayga”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close