Jose Mourinho oo durba heshiis la gaaray saxiixiisa ugu horreeya ee Man United

mann

(Manchester) 27 Maajo 2016. Tababaraha cusub ee Man United ayaa la sheegayaa inuu durba heshiis la gaaray saxiixiisii ugu horreeyay ee Red Devils.

Warar laga helayo gudaha Old Trafford ayaa u sheegay StarSport in ninka uu aaminsan yahay ee Rui Faria uu ogolaaday inuu Jose kula biiro Old Trafford.

Saakay  ayay Man United xaqiijisay inay Mourinho u magacaabatay macallinkeeda cusub.

Ryan Giggs oo tababare ku xigeen u ahaa midkii la ceyriyay ee Louis van Gaal ayaa laoo soo bandhigi doonaa shaqo kale uu ka qabto kooxda.

Faria oo  ah gacanta midig ee Jose ayaa sidoo kale ka yimid Portugal, isniintii la soo dhaafay ayaa la sawiray isagoo la socda Jose Mourinho.

jose

Labada nin ayaa wada shaqeynaya sanado badan kaddib markii ugu horreysay ay ku  kulmeen Barcelona, Faria ayaa intaa kaddib Mourinho u ahaa macallinka jir dhiska waqtigoodii Uniao de Leiria ee ka dhisan dalka Portugal.

Waxayna taa ahayd bilowga xiriir wada shaqeyn dheer oo ka dhex bilaabtay Jose iyo Faria. Wuxuuna intaa kaddib Faria u raacay Mourinho Chelsea, Inter Milan, Real Madrid iyo markale ay dib ugu soo laabteen Chelsea.

Intaa kaddib waxay markale iskala soo tageen gegida Stamford Birdge bishii December kaddib markii ay Chelsea xilka ka xayuubisay macallinka reer Portugal.

 Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close