Joe Allen oo dib u dhigay wadahadalada ku aadan mustaqbalkiisa Liverpool ilaa dhamaadka Euro 2016

(Liverpool) 27 Maajo 2016 Laacibka qadka dhexe ee kooxda Liverpool Joe Allen ayaa dib u dhigay wadahadalada heshiis kordhinta kooxdiisa ilaa dhamaadka koobka qaramada qaarada yurub.

Xiddiga xulka qaranka Wales ee Joe Allen ayaa sheegay in waqtigaan uu xooga saarayo kaliya sidii uu xulkiisa u caawin lahaa Euro 2016 oo ay nasiib u yeesheen inay ka soo muuqdaan.

“Tan iyo markii uu dhamaaday xiliciaareedka, waxaan go’aansaday inaan xooga saaro xulka qaranka, ma doonayo inaan ku mashquulo arimo kale” ayuu yiri Joe Allen.

“Xiliciyaareedkeenu wuxuu ahaa mid buuxa, waxaan aaminsanahay in aan kooxda kala hadli doono arintayda isbuuc ama 2 isbuuc kadib koobka qaramada qaarada yurub”.

Joe Allen ayaa u saftay xiliciyaareed kii dhamaaday kooxdiisa Liverpool 19 kulan oo horyaalka ah, qandaraaskiisa ayaana ku eg xaggaaga 2017.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close