Granit Xhaka oo la shaaciyay lambarka uu u xiran doono Arsenal…(Ma ahan 34)

 xhakaa

(London) 27 Maajo 2016. Arsenal ayaa shaacisay lambarka uu u xiranayo saxiixooda cusub ee qadka dhexe Granit Xhaka.

Xhaka ayaa kooxihii uu horey ugu soo ciyaaray u soo wada xirtay lambarka 34-aad waxaana la filayay in isla lambarkaa uu Gunners u xiran doono maadaama la sheegay in Francis Coquelin ee xirta lambarkaas uu ogolaaday inuu u baneeyo wiilka cusub.

Laakiin sheekadaa iminka waa isbadeshay oo Arsenal ayaa boggeeda rasmiga ee Twitter ku shaacisay in Xhaka uu xiran doono lambarka Aaron Ramsey ee 16-aad halka Ramsey uu isna xiran doono lambarka 8-aad uu ka tagay Mikel Arteta..

xhaka

Sidaa darteed Francis Coquelin waa uu u bad-baaday lambarkiisa wuuna la soo shir tagi doonaa kal ciyaareedka dambe.

Sidoo kale waxaa  horey loo shaaciyay in Alexis Sanchez uu ka tagi doono lambarka 17-aad isla markaana uu xiran doono midka uu ka tagay Tomas Rosicky ee 7-aad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close